Puntland oo siweyn looga dabaal degayo xuska sanad guurada Maamulka Puntland.
Views:92 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio

Magaalooyinka kala duwan ee Puntland ayaa Caawo waxaa ka soconaya dabaaldagyo lagu xusayo 1August oo ku beegan Maalintii dhidibada loo taagay Maamulk Puntland oo 14 sano Jirsaday.

Garowe.Garoowe:Magaalada Garowe ee caasimadda maaulka Puntland ayaa caawo waxaa ka Socda Dabaaldagyo Waaweyn ee lagu Xusayo Sanad guuradii 14 aad ee ka soo wareegaty Aas aaskii Maamulka Puntland.

Waxaana lagu soo waramayaa in goob Faragaro ah ay isgu soo bexeen bolaal ruux ,iadoona la filayo in halkaasi ay qudbadooyinka soo jeedin doonaan Masuulyiin farabadan uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane C/cabdiraxmaan Faroole.

Bosaso:Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga maaulka Puntland ayaa iyadana sidoo kale waxaa ka soconaya dabaal dag ballaaran, iyadoona dad aad u farabadan ay isugu soo bexeen goob fargaaro ah ,waxaan wadooyin waaweyn lagu dhex arkayaa astaanta Calanka maamulka Puntland iyo weliba Calanka Jamhuuriydda Soomaaliya ,Wxaana Gawaarida ay ruxayaan Calamada Maamulka Puntland iyo Kan Soomaaliya.

Galkacayo:Magaalda Galkacayo ayaa iyadana lagu soo waramayaa sin ay ka socdaan dabaal dagyo Balaaran oo lagu Xusayo 1da August,dad weyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxey fagaarayaasha magaalada, sidoo kale amaanka magaalada Galkacay oo xiliyadii dambe aad u sii xumaanyay ayaa caawo siweyn loo adkeeyay.

Qardho:Sidoo kale waxaa cawo dabaaldaga 1da August si weyn looga dareemayaa magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar,waxaana shacabka iyo maamulkaba kawada qeyb qaadanayaan dabaaldayada oo guud ahaan caawo laga Xusayo Deegaanada Maamulka Puntland.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012