Hilary Clinton oo labada Shariif Nairobi kula kulmi doonto.
Views:77 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta DHM Radio ayaa sheegaaya in labada Shariif ee kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan looga yeeray magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labada Shariif looga yeeray safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairoobi halkaas oo la sheegay in ay kulamo kula qaadan doonto xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hilary Clinton oo todobaadyada soo socda booqosha ku mari doonta wadamo dhowr ah oo Africa katirsan.

Ma cadda sababta loogu yeeray labada Shariif, hase yeeshee wararku waxaa ay sheegayaan in lagala hadli doono arrimaha la xariira xagga doorashada Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mid ah ragga uu guddiga Qaramada Midoobey ku eedeeyay in ay lunsadeen Malaayiin dollar oo hanti Soomaaliyeed ah.

Wararka qaar ayaa sheegaaya in labada masuul loo sheegi doono in aysan ka qayb gali karin doorashada dhici doonta 20ka bishaan hase yeeshee maaha kuwo si rasmi ah loo xaqiijiyey.

Horay ayaa war kasoo baxay Maraykanka waxaa lagu xusay in dadkii horay xilalka uga soo qabtay aysan mar kale u tartami karin madaxtinimada dalka inkastoo aan si rasmi ah arrintaasi loogu gudbin madaxda Dowladda Soomaaliya.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012