Dhibaato Siyaasadeed oo ka taagan qaar kamid ah degmooyiinka Gobolka Ogadenia.
Views:152 | Friday, August 3rd, 2012 | By somaliradio
Dhibaato siyaasadeed ayaa ka taagan degmada Birqod, dhibaatadan ayaa lagu sheegay iney ka dhalatay kadib markii ay beel ka mid ah beelaha dega degmadan ay cabasho ka keeneen qaabka loo dhisey maamulka dawlada ee degmadan. Beesha Wayteen Absame oo ka mid ah beelaha deegaanka ku leh degmada Birqod, ayaa aad uga cabanaya qaabka loo qaybiyey maamulka degmada. Arintan ayey beeshani ku tilmaameen inaan si cadaalad ah oo loowada siman yahay aan loo qaybin.
Sida ay nasoo gaadhsiiyeen waxgaradka beesha Wayteen ayaa ku waramaya iney dawlada deegaanku ka qadiyeen, amaba ku yareeyeen xubin-nimadii ay beeshoodu ku lahayd maamulka, guud ahaan, iyo dib u dhiska degmada. Inkasta oo aysan carabaabin beesha ay ula jeedaan in si sadbuursi weyn ah loo siiyey maamulka degmada, hadana sida laga garan karo cabashadooda waxay u ektahay iney ula jeedaan beesha reer Ugaas Kooshin, oo lagu tilmaamo tan ugu baaxada weyn beelaha dega degmada Birqod. Ugu dambeyn waxgaradka beesha Wayteen Absame ayaa ugu baaqaya dawlada deegaanka iney siman oo cadaalad ah, misana loo wada siman yahay ay u qaybiyaan maamulka degmada, iyagoo sheeganaya ineysan dooneyn wax dheeraad ah balse in si buuxda loo siiyo waxa ay beel ahaan xaqa u leeyihiin.
Degmada Birqod ayaa la filayaa in dhawaan lagu qaban doono kalfadhigii 7aad ee xisbiga dimuqraadiyada shacabka Soomaalida Itoobiya. Xubnaha xibisga oo inta badan aan doorasho shacab ku imanin, balse lasoo magacaabo ayaa hadana laga dhigaa xubin dawlad dhexdeeda muhiim ka ah.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
