Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo laga mamnuucay Mootada.
Views:79 | Friday, August 3rd, 2012 | By somaliradio

Guddoomiyaha deeganka Dhadhaab ee dalka Kenya Albert Kimathi ayaa ku dhowaaqay in uu gebi ahaanba laga mamnuucay mootooyinka in ay ka dhex shaqeeyaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii saraakiil amniga qaabilsan iyo duqeyda lix xero oo qaxooti Soomali ah ku nool yihiin ay kulan yeesheen, waxana lagu eedeeyey dadka ku shaqeysta mootooyinka inay soo geliyaan kana qaadaan gudaha xeryaha qaxootiga dad dambiilayaal ah.

Mas’uulka ugu sareeya deeganka Dhadhaab Kimathi ayaa sheegay inhaatan si dhow u eegi doonaan howlaha ay qabtaan mootooyinka waxana uu sheegay inaysanisku mid ahayn markii hore oo deegaanka ay tagaasida ka shaqeyn jireen iyo hadda oo mootooyin la isticmaalo.

Guddoomiyaha ayaa sababta ugu weyn ku sheegay in mootooyinka badankood ay yihiin kuwo aan diiwaangashanayn isla markaana ay ku tuhmayaan in loo isticmaalo in dambiyo lagu geysto.

Mootooyinka ayaa la sheegay in la adeegsaday markii afduubka loo geystey labo haween ah oo u shaqeynayay hay’ad Norway ka dhisan iyo weerar lagu qaaday iskuul halkaa oo saddex shaqaale oo ka shaqeynayay dhisme ka socday iskuulka lagu dhaawacay. Sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen weerarkaa ayaa waxaa geystey labo nin oo wajiga soo duubtay watayna mooto ama dhugdhugley.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in xeryaha qaxootiyada ay duqeyda ka mas’uulka ah daba geli doonaan mootooyinka ku sugan xero walba islamarkaana aan la ogoleyn inay socdaan mootoyinka marka uu gabalka dhaco kadib. 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012