Wasaarada Gaadiidka, cirka iyo dhulka oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dilkii Maareeyihii Garoonka Muqdisho.
Views:79 | Sunday, August 5th, 2012 | By somaliradio

Wasaarada Dekedaha, gaadiidka, cirka iyo dhulka ayaa ugu baaqday Hey'adaha amniga dowladda in baaritaan ku sameeyaan dilkii xalay loogu geystay degmada Xamarweyne Maareeyihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane.

Agaasimaha Wasaarada Dekedaha, Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cismaan Dhagaxtuur ayaa sheegay inay ka xun yihiin dilkaas, waxaana uu ka dalbaday Hey'adaha amniga dowladda in baaritaano deg deg lagu sameeyo, si gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay.

Mr Dhagaxtuur ayaa ka gaabsaday inuu sheego kooxaha ka dambeeyay dilka, hase ahaatee waxaa uu xusay inay u taalo Hey'adaha amniga dowladda sida uu yiri.

Dilka Agaasimaha oo loo geystay abaarihii salaadii maqrib markii uu masaajid ka soo baxay ayaa labo dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan ay ku dileen agagaarka Xaafada Via Roma.

Mas'uulkan la dilay ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu dilo degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo uu qeyb ka noqonayo dilalka qorsheysan oo mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012