Al-shabaab oo kordhisay weerarada habeenkii ay ku qaadaan fariisimada AMISOM
Views:89 | Sunday, August 5th, 2012 | By somaliradio

Labadii habeen ee ugu dambeeyey ayaa ciidamada ururka Alshabaab waxa ay ku qaadayeen weeraro fariisimada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee deegaano badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Weeraradan ayaa kii ugu dambeeyey waxa uu ka dhacay xalay degmada Afgoye oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada,waxaana ka dhacay magaalada Afgoye dagaal xoog leh oo saqdii dhexe xalay lagu mirey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu dhacay xili habeenimo ah, hase yeeshee ciidamada dowlada ayaa sheegay inay guul ka gaareen dagaalkan kadib markii ay dib u celiyeen ciidamadii soo weeraray.

Sidoo kale dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa habeen hore soo weeraray fariisimo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen degmada Qansaxdheere iyo magaalada Beledweyne.

Hase yeeshee dagaaladan ayaa la sheegay in ciidamadii soo weeraray fariisimadan ay soo gaartay qasaare kadib markii lagu arkay subaxnimadii hore ee shalay meydad ay ugaga tageen halkii uu dagaalada ku soo qaadeen.

Weeraradan ay ciidamada Alshabaab soo qaadayeen labadii habeen ee ugu dambaysay ayaa waxaa ay yihiin kuwo bilihii la mid ah weeraradii ay soo qaadi jireen ururka Alshabaab bisha barakaysan ee Ramadaan.

Balse weeraradan ayaa haatan waxa ay ka fog yihiin magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ciidamada Alshabaab ku soo qaadi jireen weeraro xilliyada habeenkii.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012