Dagaal ka Dhex Taagan Shirkaddaha Shidalka kabarayo Ogadenia Iyo dowladda Itoobiya”
Views:91 | Monday, August 6th, 2012 | By somaliradio

Khilaaf Xoogaan ayaa soo kalla dhex-galay Shirkadda Shidaalka ee PetroTrans Iyo Xukumadda Dowladda Itoobiya oo doonaysa In Shidaalka Ogaadeeniya ku soo saarto Afmiinshaarnimo.

Shirkadda Shidaalka ayaa diiday inay qaygo qalabka Qoddinta Shidaalka Ogaadeeniya gaar ahaan Labadda Ceel ee kalla Jeexdin iyo Elele (Calub iyo Hilala) oo Shirkaddan Qandaraas ku qaadatay.

Shirkadda ayaa sheegtay in Xaaladda Amaanka Deegaankas uu halis yahay isla Markaasna aysan Ku bixin Karrin Lacag Aduun oo Dhan Malaayiin aan la ogayn meesha Xaalku ku danbayn Isla Markaasna ka codsatay Dowladda Itoobiya In Xaaladda Amaanka wax laga qabto.

Khabiiro arrimaha Amniga Shidaalka ku takhasusay aaya ooga diday Shirkadda Xaaladda Ogaadeeniya iyagoo sheegay In Jabhadda ONLF ay dagaal ka xigto Shidaalka Ogaadeeniya isla Markaasna u baahan yihin Damaanad Qaadid Amni.

PetroTrans ayaa bishi July 2011 ayaa Dowladda Itoobiya ku wareejisay Ceelashaas isla Markaasna iskaga guurtay Ogaadeeniya iyagoo sheegay in arrimo Amni Darri ooga guureen.

Shirkadda ayaa doonaysa hadda In 11 Malyan oo Dollar oo Dowladda Itoobiya siisay in dib loogu soo celiyo si howsha ceelasha u waddan isla markaasna Jabhadda ONLF ee Xooga ku Joogtaa Deegamadaas laga suggo amaan ahaan.

Itoobiya yaa dhankeedda sheegtay In Shirkadu Jabisay Shuruudahii isla Markaasna kalla noqotay Hishiiska.

Wasiiradda Macdanta ee dowladda dhexe Itoobiya, Sinkinesh Ejigu ayaa u dalbatay Shirkadda Inay iskaga guuraan Dhamaan Itoobiya meesha Dhanka Shirkadu sheegtay in ay Dacwad ku soo oogi doonaan midaas Khilaafku meel xun marayo.

ONLF ayaa ooga digtay Shirkadaha Caalamiga ah in Shidaalka Ogaden la soo saarin waxayna Sannadkii 2007 weerar ku qaadeen Deegaanka Coballe oo laga qoddayay Shidaal Halkaas oo ay ku dilleen 65 iskugu Jira Ciidamadda Itoobiya Iyo Shaqaalaha Shirkadda.

Weerarkan ayaa noqday mid soo Jiitay Saxaafadda Caalamka Iyo Awooda Ciidamadda Jabhadda ONLF ee u dagaalama Gooni-isutaaga Ogaadeeniya.

isku doo duuboo, Xaalka ayaa maraya Xoolo aadan lahayn Xaglo kuuma Buuxiyaan. Shidaalka Ogaadeeniya shacabka Ogaadeeniya iska leh.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012