Qodobada kasoo baxay Shirka saxiixayaasha Road-map ka.
Views:78 | Monday, August 6th, 2012 | By somaliraddio
Shirkii Hogaamiyeyaasha Saxiixayaasha uga socday magaalada Nairobi ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo war murtiyeed ay saxiixeen Madaxda saxiixayaasha wax ka bedel lagu sameeyay qodobo dhowr ah oo horay ay ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirarkii hore, gaar ahaan shirkii Garowe.
Inkastoo saxiixan heshiiskan uu ka maqnaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay ka baxay ayaa hadana la sheegay inuu Madaxweynaha u wakiishay oo uu shir gudoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Qodobada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa arrinta soo xulista Baarlamaanka qeybta Maamulka Khaatumo State ka imaaneyso, taasoo uu ku andacoonayay Madaxweynaha Puntland in isaga laga tashato, waxaana uu ka mid ahaa qodobadii khilaafka ka taagnaa.
Qodobaadkaas ayaa lagu heshiiyay in qaar ka mid ah Odayaashii dhaqan ama Isimadii ka socotay Khaatumo ee horay Muqdisho uga sugneyd iyo Isimadii kale ee Garowe laga soo diray oo khilaaf ka dhex taagnaa markii hore ayaa laga gaaray heshiis, waxaana lagu heshiiyay in 8-da Xubnood ee Baarlamaanka ka soo gaareyso Khaatumo 5-ka mid ah la siiyay inay soo xulaan Odayaashii Muqdisho ku sugnaa, halka saddexda kale la siiyay inay soo xulaan Odayaashii Garowe laga soo diray.
Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixay Wasiir ka tirsan Puntland oo ka soo jeeday Gobolka Sool iyo C/kariin Xasan Jaamac oo horay Wasiirka Warfaafinta u ahaa oo isna ka soo jeeda Gobolada Khaatumo State, waxaana fududeeyay heshiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale qodobada oo ahaa dhowr qodob ayaa qodobka kale ee wax ka bedelka lagu sameeyay ka mid ahaa shuruuda qofka noqonaya Xildhibaan ee waxbarashadiisa ay noqoto Heer Dugsi sare, taasoo lagu xusay in aan taas loogu eegin dhanka waxbarasho, balse la eego waayo aragnimada uu leeyahay.
Qodobkan oo ahaa mid aad xasaasi u ahaa oo dood kulul ka dhashay ayaa la isla gartay maadaama uu ku jiray Mabaa'didii Garowe in dib u laabasho lagu sameeyo, isla markaana shardiga Xildhibaanimada lagu qoro Mudanayasha cusub inuu yeesho qibrad u dhigan aqoon ama waxbarasho, aan toos ahey ama waayo aragnimo.
Sidoo kale waxaa aad looga dooday ammaanka Gudiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka, kuwaasoo la sheegay in howshooda ay u madax banaanaadaan, isla markaana ay jireen hanjabaado loo soo jeediyay, ammaankoodana waxaa damaanad qaaday Ciidamada AMISOM.
Waxaa kaloo qodobada ku jira doorashada khilaafka dhalisay ee Maamulka Galmudug, ee Madaxweynaha cusub loogu doortay Jen. Cabdi Qeybdiid, halka Maxamed Axmed Caalin uu ka hor-yimid, waxaana khilaafkaas la sheegay inay wada hadal ama wada xaajood ka geli doonaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda kale, si loo dhameeyo khilaafka.
Ugu dambeyn Heshiiskan oo saxiixiisa ka maqnaa Madaxweynaha ayaa waxaa kala saxiixay Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Puntland, Xubinta Ahlusuna ka socda iyo Qaramada Midoobey, iyagoo soo dhoweeyay heshiiska, isla markaana tilmaamay inay ku faraxsan yihiin.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
