Baarlamanka Kenya oo qaati ka taagan adeegsiga qalabka casriga ee aqalka cusub.
Views:95 | Wednesday, August 8th, 2012 | By somaliradio

Mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa waxa uu jaha wareer ka haystaa qaabkii loo adeegsan lahaa qalabka casriga ah ee ku xiran aqalka cusub ee ay xildhibaanada shalay u waregeen .

Xildhibaanada ayaa hada laga doonayaa in marka ay rabaan in ay ka qayb qaataan dooda baarlamaanak in ay taabtaan qalabka casriga ah si ay ugu sheegaan gudoomiyaha baarlamaanka in ay doonayaan in ay hadlaan.

Hasa yeshee qaar badan oo ak mid ah xilidhibaanada ayaa si qalad ah u garaacaya badhamadaasi taasi oo abuurtay jaha wareer.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Faarax macalin ayaa ka codsaday xildhibaanad in ay u fahmaan qalabkani si dhaqsa ah si hakad ugu iman howlaha baarlamaanak.

“Waxaan dooneynaa inaad si deg deg ah u fahamtaan si aan shaqada u taasho barlamaanka u sii wadno, marbo qeyb ayaa la barayaa isku daya inaad fahamntaan waxa la iidiin sheegayo, kuwa maskaxda adagna ayaga ayaa baran doonaan.” Ayuu yiri Farax Macalin, ku xigeenka Afhayeenka Barlamaanka Kenya, mar uu la hadlayay xildhibaanada.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u soo wareegay maalintii shalay ahayd aqalkan cusub ee baarlamaanka ee sida casriga ah loo qalabeeyay .

Afhayeenka baarlamanka ayaa hada makarafoonak ka jari kara xildhibaan kasta oo ku hadla wax ka baxsan sharciga .  

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012