Diyaaradaha Masar oo maanta duqeyn ka geystay Buuraleyda Sinai peninsula ee Dhanka Israel.
Views:114 | Wednesday, August 8th, 2012 | By somaliradio
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Milatariga dalka Masar aya gantaalo la dhacay waqooyiga magaalada Sinai peninsula ee ku taala xadka ay la wadaato dalka Israa’iil, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo Islaamiyiin laga shakisan yahay sida ay sheegayaan saraakiil dhinaca maanka u qaabilsan dalka Masar.
Duqeynta ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof xaafad la yiraahdo Touma, halka xaafad kale oo iyana la yiraahdo Sheikh Zuwaid ay iyana dhinaceeda galbeedka ah gantaalo ku dhaceen, balse lama sheegin khasaaraha aygaysteen.
Weeraradan duqeynta ah ayaa yimid kaddib markii baro cantarool ciidan oo ku yaaley magaalada al-Arish ay soo weerareen kooxo hubeysan, kuwaas oo halkaasi ku dhaawacay dad dhowr ah.
Sidoo kale Axadii aynu soo dhaafnay ayaa kooxaha mintidka ah ee dalkaasi ay weerar gaadmo ah ku dileen 16 ka mid ah ilaalada xadka ee nawaaxigaasi.
Meelahan ay kooxanai weerarada ka soo qadayaan ayaa ah xadka u dhaxeeya dalalka Masar iyo Israel, waxa ayna ciidamada dalka Israel sheegeen in ay dhowr jeer oo hore dileen qaar ka mid ah mintidiinta oo weeraro soo qaadey.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
