Diyaarado Duqeyn ka geystay Jubbada Hoose.
Views:89 | Wednesday, August 8th, 2012 | By somaliradio

Wararka naga soo gaaraaya deegaanka Janaa-Cabdalle ama Birtadheer oo qiyaastii 60KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in duqeyn khasaare geysatay ay maanta halkaasi ka dhacayday.

Duqeyntaan ayaa la sheegay inay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya kuwaasoo ku howlgalaya magaca Ciidamada AMISOM.

Diyaaradahaan ayaa duqqeeyay fariisimo ay shabaab ku leeyihiin deegaanka Janaa-Cabdalle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale bur bur oo soo gaaray fariisimihii Shababa ee la weeraray.

Qof ka mid ah dadka deegaanka Janaa-Cabdalle ayaa inoo sheegay in diyaaradaha dagaalka ay ilaa afar jeer duqeeyeen deegaanka Janaa-cabdalle islamarkaasna ay duqeynta la beegsadeen saldhigyo ay Shabaab ku leeyihiin deeganka.

Lama soo sheegin wax khsaare ah oo dadka deegaanka ka soo gaartay duqeyntaasi marka laga reebo wal wal iyo cabsi ay ka qabaan inay mar kale diyaaraduhu duqeeyaan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012