Musharixiin urur bahwadaag ah ku sameystay Muqdisho.
Views:119 | Thursday, August 9th, 2012 | By somaliradio

Ilaa 13-musharax oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqeen Isbaheysi ay ugu magac dareen Isbaheysiga Bahwadaagta qaran ee Isbedel doonka ah, iyadoo la filayo in Musharaxiinta ay iska soo doortaan Hal musharax, si uu ugu tartamo xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

War saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in go'aankan ay qaateen markii ay arkeen inay socdaan qaab ka duwan sidii hore ay u fikireen, isla markaana ay keentay in isbaheysigan ay dhistaan sida ay hadalka u dhigay.

"Waxaan isku raacnay in xaalada dadka Soomaaliyeed uu ku jiraan ay tahay mid musiibo ah oo halis gelinaysa jiritaanka ummadda, sida nabadaglyo la'aan, gaajo, kala qaybsanaan, cuduro, shaqo xad-dhaaftay, daacad la'aan, karti xumo, qab-jab iyo inaysan jirin hiigsi qaran"ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay Musharaxiintan gaareysa 13-ka xubnood.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay muhiim tahay in dalka uu ka dhaco Isbedel siyaasadeed iyo mid hogaaneed, isla markaana hal musharax ah uga qeyb geli doonaan, inkastoo aanay soo bandhigin magaca musharaxa uga qeyb galaya.

Musharaxiintan soo saaray war saxaafadeedka ayaa waxaa ka mid ahaa Hasan Sheekh Maxamuud, Axmed Ismaaciil Samatay, C/raxmaan C/shakuur, Xaaji Maxamed Yaasiin, Xuseen Khaliif Jaamac, Xaaji Maxamed Yaasiin, Cumar Salaad Cilmi, Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Axmed Muumin Warfa, C/raxmaan Macalin Sharaf, Maxamed Nuur Galaal, Abdi Faarah Shirdoon, Yaasiin Maaxi Macalin, Abdukadir Xaashi Cali Fiish.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012