Abwaanka kooxda Qaylo dhaan oo kamid ah liiska xildhibaanada beesha Sade Daarood.
Views:134 | Thursday, August 9th, 2012 | By somaliradio

Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo Ah Abwaan Soomaaliyeed Isla Markaana kusoo caanbaxay Erayada Shacabka Soomaaliyeed Lagu Kicinayo oo Dhawaanahan Ku Sugna Magaalada Muqdisho ayaa Shir Maanta ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq Iyo Dhabad ee Waqooyiga Gobolka Galgadud Taageero Logu Muujiyay.

Kulan ay Iskugu Yimaadeen Beesha Max’ed Amaan Reer ee Degta Gobolka Galgaduud ayay Dood dheer kaga Yeesheen Cida u Talaysa Xildhibaan Cusub ee Beeshu ku Yeelanayso Baarlamanka soo socda Ayadoona Dood dheer kadib la isku Afgartay in uu noqdo Dr Cabdi Shire jaamac.

Bayan ay so Saareen Odayaasha Ayay Baaq ugu direen madaxda Dowlada Iyo Ugaaska Beesha Sade Bari Axmed Bare Cali Taakoy ayagoona sheegay inay Isku afgarteen inuu Cabdi Shire Noqdo Xildhibaanka Beeshooda waxaana ay Tibaaxeen inay Arintaasi ku Taageeraan Madaxda Dowlada KMG Iyo Ugaaskuba.

Waxaan arinkaan ogaysiinaynaa ugaaska besha sade bari Ugaas AXMED BARRE CALI TAAKOOY Inuu arintaan la isku raacnay anagoo ah nabadoonada, Aqoonyanahada, Dhalinyarada, Hooyooyinka, Culuma’udiinka, iyo dhammaan beesha wagardheceed ee ah inay Beeshu Booska Xildhibaanka U Xulatay Dr. Cabdi Shire Cayaar Jecel oo ah nin beesha Wagardhac, Sade Iyo Guud ahaan Soomaali wax u qaban kara isla markaasna ah Howlkar Wadani ah, Waana rajeeyneynaa in Codsiga yagaas Codsigaas la aqbali doono Ayay sheegeen Odayaashu.

Hadalkani ayaa Imaanaya Xili Magaalada Muqdisho uu ka Socdo ol ole Dheer oo uu wado Dr Cabdi Shire Ciyaar Jecel Isla Markaana uu ku Doonayo inuu kamid noqdo Mudanayaasha Baarlamanka Cusub ee la Rajaynayo inuu Dalku Yeesho.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012