Ra'iisul wasaare gaas oo sheegay inaan la aqoon saneyn degmoyinka Madaxweynaha magacaabay.
Views:114 | Thursday, August 9th, 2012 | By somaliradio
Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in xukumadda ay xil weyn iska saartay sugida ammaanka xiliga lagu gudo jiro doorashooyinka isgoo sheegay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan.
Ra’isala wasaaraha jamhuuriyadda Soomaaliya Dr Cabdi Wali Maxamed Cali waxaa uu sheegay in waqtigani adag ee lagu guda jiro loo baahan yahay in si wanaagsan looga gudbo si taasi loo helana dowlada Soomaaliya ay xiligani ku mashquulsantahay xasilinta ammaanka caasimada Muqdisho oo dadkii ugu badnaa ay xiligani isugu yimaadeen.
“Waa laga maarmaan in ciidamada ammaanka ay si feejignaan ah u shaqeyaan maadama la guda galayo xiliga doorashada,si dalka qalqal ammaan uusan wadankana u gudo galin,waana lagama maarmaan xukumadana waa ay ka hadli doontaa” ayuu yiri Ra’isulwasaare Gaas isagoo la hadlayay barnaamijka xogta wareesiyada ee taleefishinka Qaranka.
Sidoo kale Ra’isul wasaare Gaas waxaa uu ka digay in la isku daro doorashada iyo dowladnimada,waxaana uu rajo ka muujiyay hadii taasi la helo in dadka si garba siman ah ay u tartami karaan,waxaana uu ra’isul wasaare Gaas meesha ka saara in faragalin ay ku hayaan gudiga farsamada soo xulista Baarlamaanka saxiixayaasha Qariirada Nabada.
Ra’isul wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr Cabdiwali Gaas,waxaa uu soo hadal qaaday diyaarado military oo ay dowlada Mareykanka ku wareejisay dowlada Uganda si ay uga qeyb qaataan xasilinta ammaanka iyo xureynta dalka,waxaana uu sheegay in sarkaalka ugu sareya uu kala hadlay diyaaradahaasi,waxaana uu meesha ka saaray in diyaaradahaasi loo keenay sugida ammanka goobaha doorashooyinka dalka ka dhacayaan.
Magaalada Muqdisho xiligani waxaa ay tahay mid aad u mashquul badan,waxaana dadka iyo madaxdaba ay yihiin kuwo u diyaar garoowbaya doorashooyinka 20-ka Agosto.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
