Warar dheeraad ah"AMISOM maxay u xirtay Farmaajo"
Views:118 | Friday, August 10th, 2012 | By somaliradio

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Xaalada Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Maxamed C/lahi Maxamed Farmaajo kaas oo caana maqribkii ay gurigiisa ka kaxaysteen ciidamada Amisom.

Siyaasigan ayaa gurigiisa laga waday waxaana la geeyay xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane halkaas oo uu ka socdo kulan udhaxeeya ciidamada Amisom Saraakiishooda iyo Musharaxa.

Warar aan haatan helnay ayaa tilmaamaya in Saraakiisha Amisom ay ka caroodeen hadal kasoo baxay Farmaajo kaas ahaa in ciidamada dowlada ay dayacan yihiin mushaar la’aana ay haysato.

Haatan waxaa soconaya kulanka udhaxeeya Farmaajo iyo Saraakiisha Amisom, lamana oga qodobada ilaa iyo iminka la isla fahmay, Hase ahaatee waxa ubadan ee laga wadahadlayo ayaa ah dhanka amaanka.

Xili ay soo dhowdahay Doorasho ayaa Amisom waxaa ay sheegtay in ay xaqiijin doonto amaanka magaaladda Caasimadda ah.

Waxa ugu horeeya ee Farmaajo ay weydiisan doonaan Amisom ayaa ah in aan la dhigi karin wax banaanbaxyo ah, sidoo kalana dowlada KMG uu weydiisto ciidamo suga amaankiisa uuna iska soo wareejiyo ciidamada habka beeleed ku hubaysan ee waardiyaha ka haya.

Dad lagu kalsoonaan karo oo Muqdisho kala soo dagay Dr Farmaajo ayaa inoo xaqiijiyay in aysan jirin wararka sheegaya in Farmaajo xabsiga loo taxaabay laakiin ay soconayaan wadahadalo amaanka looga hadlayo.

Kadib markii Farmaajo shalay uu soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa banaanbax isaga lagu taageerayay ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa shalay isagana uga digay Musharaxiinta Xilka madaxweynaha in ay ka feejignaadaan waxyeeleyn loo gaysto amaanka.

Sidoo kale Waxaa ay Wasaarada Gaashaandhiga dowlada sheegtay in aan loo dulqaadan doonin ciidamo hub ku dhexwata Magaaladda oo aan ahayn kuwa dowlada.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012