210 mudane oo illaa iyo hadda loo soo gudbiyay Gudiga Farsamada.
Views:128 | Saturday, August 11th, 2012 | By somaliradio

Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa sheegay in ilaa 2010 Xildhibaan loo soo gudbiyay, iyagoo xusay inay gabo gabo u mareyso howshooda.

La Gudoomiyaha Gudiga Prof. C/llaahi Xiireey ayaa sheegay in howshooda meel wanaagsan u mareyso, isagoo xusay in shalay ilaa xalay loo soo gudbiyay Liiska Xildhibaanada.

"Ilaa iyo hada waxaan heynaa 210-xildhibaanm, maantana waxbaa noo soo uruuraya, xulida ilaa iyo hada waxaa naga dhiman ilaa lixdan, waxaan hubinay ilaa 50-xildhibaan oo shuruudihii ay soo buuxiyeen ka fiirinayo, shaqadeena ilaa habeenkii saq dhexe ayay gaartaa"ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiirey.

Prof. C/llaahi Xiirey ayaa qiray in labada maalmood ee soo socota ay ku dadaalayaan sidii wax Soomaali u cuntami karto u soo saari lahaayeen, waxaana uu ka dhawaajiyay inay jiraan caqabado la xiriira habka soo xulista Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka jira uu yahay beelaha qaar oo khilaaf kala taagan, halak qaarna aysan soo buuxin shuruudaha, waxaana uu cusay in beelaha qaar ay ka caga jiidaytaan Haweenka oo aan la soo gudbin.

"Arinta caqabadaha ka jira waa in odayaasha ka caga jiidayaan in aysan haweenka soo gudbin, sidaas darteed ragg ayaa la soo gudibiyay, tusaale oo kale beeshii saddex xildhibaan soo gudbisa waxaa laga rabaa haween, tirada haweenka loo qoondeeyay ee 30% wali lama haayo"ayuu yiri Prof. Xiirey oo xusay in wali farqaha la is heysto.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeya beelaha qaar, iyadoo arrinta weyn ee la isku hayo ay tahay qaabka soo xulista Baarlamaanka oo beelaha ay isku heystaan xubnaha u matalaya Baarlamaanka.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012