Mareykanka oo soo jeediyay inaan Hogaamiya Kooxeedyadii hore lagu soo darin Barlamaanka Cusub.
Views:342 | Saturday, August 11th, 2012 | By somaliradio

Dowladda dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay aad uga xumaan doonto Warar ku saabsan oo sheegaya in Xubnaha cusub ee Barlamaanka lagu soo dari rabo Hogaamiye Kooxoodyadii horey ee Soomaaliya.

Wali waxaa meesheedii ka taagan Muranka u dhaxeeya Beelaha Soomaalida ee ku aadan sida loo soo xulaayo xubnaha barlamaanka cusub iyo in beel walbo ay ogoshahay cidda u mataleeysa in Barlamaanka uga mid noqoto.

Caalamka ayaa ka digaya in Barlamaanka dhowaan lagu wado in laga yagleelo Soomaaliya aan lagu soo darin dad horey dambi u soo geystay, kuwaasoo ay kamid yihiin Qab-qablayaashii hore ee Soomaaliya ka dagaalami jiray.

James Swan waa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxa uu sheegay in Xukuumadda Washintog ay heshay XOG muujineeysa in Hogaamiye Kooxeedyadii lagu soo dari rabo barlamaanka cusub.

Danjire James Swan oo la hadlaayay Idaacad QM maal galiso oo Afka Soomaaliga ku hadasha ayaa waxa uu Odayaasha Dhaqanka uga digay in aysan liiska xubnaha barlamaanka cusub uga mid noqon Kooxihii qaska ka waday Soomaaliya.

Wakiilka Mareykanka ee arimaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo dhoweeyay Warmurtiyeed maalinnimadii Shalay ay si wadajir ah u soo saareen UN, AU iyo IGAD, kaasoo sidoo kale Odayaasha loogu baaqaayay in aysan soo xulin barlamaan fadhiid ah.

Waxaa magaalada Muqdishoka socota kuraasta barlamaanka oo lakala iibsanaayo iyo Beelaha qaar oo ka cabanaaya in Odayaashii iyaga matalaayay ay ku kacayaan Qiyaano.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012