Hiiliyaasha aan loo hiilinin!!,(Suxufiga oo hadlaya)
Views:401 | Monday, August 13th, 2012 | By somaliradio
Mihnada Saxaafadda waa Howl Jihaad u dhiganta, waayo Waagii baryaba waxaan la kulanaa qatar, waxaan ka warhayna oo kaliya goorta aan guriga,iyo xafiiska shaqo aan ka baxayno ee ma ogin inaan Nabad Guriga ugu laabanayno iyo in kale.
Suxufigo waxaa uu u hiilanyahay umadda,hormarkeeda, in uu ku xiro aduunka kale,in uu u soo gudbiyo waxa jira oo dhabta ah, laakiin su’aasha aan jawaabta u waayay ayaa wxaa ay tahay Umaddeena miyaan ka mudanahay in hortooda nalagu dilo ,nalagu handado,nalagu dhaawaco ,miyay san ahayn in markooda ay noo heeliyaan?!
Bil kasta,sanad walba iyo sacadkasta maxaa ka dhigay wariyaasha soomaaliyeed in la ugaarsado sidii duur joogta oo kale? ma garan karo wax aan ka ahayn dabar-goyn sidii inaan nahay cudur dadka ku dhacay oo laga cirib tirayo.
Saxaafadda Xorta ah ee madaxbanaan soomaaliya waxaa ay u horseedeen Hormar aan la dabooli karin,ee waxaan jibinay Record-kii ahaa Arag maqal afkana xiro,waxaan mudniin in nalgu abaal maryo ee ma’aheen in nalgu dilo,oo nalugu argagax giliyo!
Dadkeena qaar waxay u arkaan Suxufiga hadii uusan sheegin wax iyaga ka qosliya in uu yahay mid Dandooda ka soo horjeeda,waxayna bilaabayaan hanjabaado ah in markale la sii daynin warkaasi,marka ma waxaa jiri doona qof is hor istaagi kara in soomaaliya aanay ka jirin Xoriyad Saxaafadeed!
Yaa nadilaya ,maxaase na loo dilaya ,waa su’aal da’wayn oo daalisay maskaxdeyni hadii aynu nahay wariyaasha soomaaliyeed, waayo ilaa iyo haatan waan garan la’anahay sababtaas, laga soo bilaabo 1992dii ilaa iyo haatan 2012ka waxii tacadi ah oo nalo geestay ma jirin cid lo soo qabtay iskaba daaye in la soo qabte ma jirin cid dabagashay !!! Tani ma waxaan u fasiranaa in aan marti ka nahay dalkeena,dhulkeena oo aanayn jirin cid garab na siisa?
waxaa run ah in aan dadkeeni dhibaatada ku habsatay aan qayb ka nahay ,laakiin dhagaysto,iyo akhriste dareenkaagu siduu noqon lahaa ,hadii aynu ku dhahno waxaa jira qaar naga mid ah oo ubadkooda,lagu ogoontayay falkaasi naxariis daradaha ah, xaasas badan ay saygooda ku waayeen xaqdaradaas, waliba dharaad cad bulshadeena dhexdeeda gacan ka xaqdaran ay ku dishay!
Intaas waxaa ka sii yaab badan ma jirin ,Dowlad, Ama hay’adaha u dooda xuquuqda wariyaasha oo Falalkaas Argagixisada ah Baaris ku sameeyay Habayaraatee !
Qaarkeen oo ka badbaaday dilalka loo geestay saaxiibadeen ayaa shaahid ku arkay in intabadan dilaayaasha wariyaasha ay isku qaab adeegsadaan,kaasi oo ah in sedex ama la qof ay qofka wariayaha ay ku soo weeraraan isagoo aan hubaysneen,islamarkaana aanay jirin cid u soo gurmata ,hadii ugu badato dadka degaanka ayaa isbitaalada nugula orda si ay nafteena u badbaadiyaan !
silsiladan waa mid taxane soo ahayd mudo dheer ,mana ogin ilaa inta ay cadaalad daran sii jiri doonto,laakiin waxaa marag madoonta ah in kuwa na diliaya ay qasaareen akhiro iyo aduunba!
waxaan dhahnaa Meyd maxaa ugu dambeeyay, markaasaa la yiraahdaa Midkaas la sii waday 12ka agusta ee 2012ka waa maalin kale oo mugdiyadeena kamid ahaa waxaa siyaabo kala dowan maalinkaas loo dilay Alla ha u naxariiste suxfiyeen qaali nagu ahaa oo aan ilaabi doonin Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey ,iyo Maxamed Cali Buneyste .
Soomaaliya ma ahan oo kaliya meel lagu dilyo wariyaasha soomaaliyeed,ee sidoo kale waxaa lagu dilay wariyaal ajanabi ah oo u yimid in ay soo bandhigaan marxaladaha dalkeena ka jiray ,qaybta kuwaad waa liiska wariyaasheena soomaaliya oo gacan ka xaqdan dishay sanado iyo taariikh kala dowan waxaan isku dayay in aan magacyadooda soo gudbiyo iyo waqtiyadii la dilay,waxaan ka cudur daaranaya hadii aan wax ka tagay .
Liiska wariyaasha soomaaliya ee la dilay:
1 Ahmed Addow Anshur, Shabelle Media Network
May 24, 2012, ayaa muqdisho lagu dilay.
2 Farhan Jeemis Abdulle, Radio Daljir, Simba Radio
May 2, 2012, waxaa lagu dilay kaalkacyo
3 Mahad Salad Adan, Shabelle Media Network
April 5, 2012, ayaa baladweyne lagu dilay
4 Ali Ahmed Abdi, Radio Galkayo, Puntlandi
March 4, 2012, waxaa lagu dilay Galkayo,
5 Abukar Hassan Mohamoud, Somaliweyn Radio
February 28, 2012,waxaa lagu dilay muqdisho
6 Hassan Osman Abdi, Shabelle Media Network
January 28, 2012, muqdisho ayaa lagu dilay .
7 Abdisalan Sheikh Hassan, HCPTV
December 18, 2011, waxaa lagu dilay Mogadishu.
8 Barkhat Awale, Hurma Radio
August 24, 2010, waxaa lagu dilay magaalda muqdisho.
9 Sheikh Nur Mohamed Abkey, Radio Mogadishu
May 4, 2010, waxaa lagu dilay Mogadishu,
10 Abdulkhafar Abdulkadir, freelance
December 3, 2009, waxaa lagu dilay magalada muqdisho
11 Mohamed Amin, Radio Shabelle
December 3, 2009, waxaa lagu dilay muqdisho
12 Hassan Zubeyr, Al-Arabiya
December 3, 2009, waxaa lagu dilay Mogadishu.
13 Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK
July 4, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho
14 Mukhtar Mohamed Hirabe, Radio Shabelle
June 8, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho
15 Nur Muse Hussein, Radio IQK
May 26, 2009, waxaa lagu dilay magaalada baladweyne
16 Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle
May 22, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay
17 Said Tahlil Ahmed, HornAfrik
February 2, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay
18 Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle
January 1, 2009, waxaa lagu dilay Afgoye.
19 Nasteh Dahir Farah, BBC-somali
June 7, 2008, waxaa lagu Kismayo.
20 Hassan Kafi Hared, Somali National News Agency
January 28, 2008, waxaa lagu dilay Kismayo.
21 Bashiir Noor Gedi, Radio Shabelle
October 19, 2007,ayaa muqdisho lagu dilay Mogadishu
22 Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey, Radio Banadir
August 24, 2007, waxaa lagu dilay Bardera.
23 Mahad Ahmed Elmi, Capital Voice
August 11, 2007,waxaa lagu dilay magaalada muqdisho
24 Ali Sharmarke, HornAfrik
August 11, 2007, ayaa muqdisho lagu dilay
25 Ahmed Hassan Mahad, Radio Jowhar
May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar.
26 Abshir Ali Gabre, Radio Jowhar
May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar.
27 Mohammed Abdullahi Khalif, Voice of Peace
May 5, 2007, waxaa lagu dilay Galkayo.
28 Duniya Muhyadin Nur, Capital Voice
June 5, 2005,waxaa lagu dilay Afgoye..
29 Abdullahi Madkeer, DMC Radio
January 24, 2003, waxaa lagu dilay Baidoa.
30 Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People
January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho.
31 Abdullahi Omar Gedi, Radio Daljir
August 31, 2010,waxaa lagu dilay Muqdisho
32 Ali Mohammed Omar, Radio Warsan
February 16, 2007, waxaa lagu dilay Baidoa.
33 Farah Hassan Sahal, Radio Simba
August 4, 2011,waxaa lagu dilay muqdisho
34 Mahamud Ali Buneyste,freelance
Agust 11,2012, waxaa lagu dilay Muqdisho
35 Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey , IFMS
Agust 11,2012, waxaa lagu dilay muqdisho.
Halkan waa liis kale oo murugo xambaarsan waa wariyaal gabdho iyo wiilal isgu jira oo ajanabi ah oo dhul aan dhulkooda ahayn lagu dilay ,meelo soomaaliya kamid ah ayaa lagu dilay!
Liiska wariyaasha Ajanibiga ah ee soomaliya lagu dilay:
1 Noramfaizul Mohd, Bernama TV
September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay
2 Jean-Claude Jumel, TF-1
June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho.
3 Hosea Maina, Reuters
July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho
4 Dan Eldon, Reuters
July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho
5 Ilaria Alpi, RAI-3 Television
March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho.
6 Miran Krovatin, RAI-3 Television
March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho.
7 Anthony Macharia, Reuters
July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho
8 Hansi Krauss, Associated Press
July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho
9 Marcello Palmisano, RAI
February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho
10 Pierre Anceaux, freelance
August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa.
11 Kate Peyton, BBC
February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho
12 Martin Adler, freelance
June 23, 2006, waxaa lagu dilay Mogadishu.
Xalka Muxu Yahay?
Maamulada kataliya Goobaha lagu ugaarsanayo Warfidiyeenada Waxaa la gudboon inay gutaan waajibaadki umadu u xilsaaratay, ayna ka dhiidhiyaan Da’yarta shacabkooda u adeegaya ee xaqdarada lagu dilayo.
iskuna dayaan inay wax uun ka qabtaan Marxalada adag ee kuhaysata wariyaasha Goobaha ay kataliyaan oo aanay noqon kuwo maqaar saar ah.
Waxaa ceeb ugu filan in Wariyaashu ay ku nabadgaliwaayaan Goobaha ay sheegtaan inay maamulaan!!
W/Q Wariye Maxamed Xaaji Xasan Abukar.
Email: Mhajji00@gmail.com.
Maxamed555@hotmail.com
Celle: +254 716 113 788
NB: Qoraalkan Waxaa ufasaxan Dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed Maqal, Qoraal iyo Muuqaalba…..
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
