Yaasiin Farey Oo Ka Hadlay Xaalada Nololeed Ee Muqtaar Roobow

Ku simaha agaasimaha hay’adda Nabadsuggidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa beeniyay inay ka been abuureen warbixinta ay NISA ka soo saartay xaalada Muqtaar Roobow.

Yaasiin Farey oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow oo uu ku suganyahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu suganyahay.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

“Waxaan u haynaa arrimo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha la xiriira ee ma jirto arrimo siyaasadeed oo uu u xiran yahay hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed.”ayuu yiri Yaasiin Farey.

Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la siidaayo ay ku xirantahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.

Ehelada Muqtaar Roobow ayaa ku tilmaamay been abuur warbixin ay hay’adda NISA ka soo saartay xaalada Muqtaar Roobow oo muddo ka badan saddex sano ay hayso NISA.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*