
Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo ciidamada Militariga Gorgor oo Magaalada Guriceel loo geeyey dagaalkii lagula jiray Ahlu Sunna.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeysay khilaaf ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamada Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka carooday xariga Ciidamada kale ayaa gudaha u galay degmada Guriceel, taas oo keentay inay isku dhacaan iyaga iyo Ciidamada Booliska ee Saldhiga degmada Guriceel.
Dad shacab ah ayaa la sheegay in dagaalka ay ku geeriyootay gabar yar oo ka mid ah Ardayda Dhameysatay sanadkaan waxbarshada Heerka koowaad ee jaamacadda.
Leave a Reply