
Dowlada Kenya ayaa shaacisay in ay si rasmi ah u furi doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay saraakiisha dalkeeda ay cabsi ka muujiyeen in Al-Shabaab ay badeecado shar-cidarro ah dalkaasi soo galiyaan oo ay ka helaan dhaqaale.
Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa soo gaba gabeeyay qorshaha lagu furay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya. Mandheera ayaana noqon doota meesha u horreysa ee la ogolaan doono in la soo galo.
Sidoo kale, degmooyinka kale oo in muddo ah xirnaa ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda la furo , sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga.
Shacabka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku gudba, iyaga oo baddeecadooda kala geela labada dal
Leave a Reply