
Qoraal Ingiriis ku qornaa oo muddo saacado ah ku jiray bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ay ugu talo gashay wararka xanuunka Covid-19 ayaa lagu sheegay in dadka baraha bulshada ku taageero Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay khatar badan yihiin fayraska Karoona.
Qoraalka oo markii dambe laga saaray bogga @SomaliaCovid19 ayaa u muuqday mid looga falcelinayay kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.
Dhanka kale, waxaa isla xalay Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo isla markaana ay ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.
Ingiriis cu qornaa oo muddo saacado ah ku jiray bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ay ugu talo gashay wararka xanuunka Covid-19 ayaa lagu sheegay in dadka baraha bulshada ku taageero Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay khatar badan yihiin fayraska Karoona.
Qoraalka oo markii dambe laga saaray bogga @SomaliaCovid19 ayaa u muuqday mid looga falcelinayay kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.
Dhanka kale, waxaa isla xalay Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo isla markaana ay ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.
Qoraalkaas ayaa lagu yiri: “Mowjadda labaad ee #CBB waxay ka khatar badan tahay Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space.” CBB waa eraybixin hore looga bartay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, taas oo uu ula jeeday taageerayaasha xukuumadda.
Leave a Reply