Fiqi oo ka digay in is hor istaag lagu sameeyo dibad bax dhawaan lagu qabanayo Muqdisho

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay banaan- dhawaan ka dhici doona Magaalada Muqdisho,

Wasiir Axmed macalin Fiqi ayaa sheegay in maalinta khamiista soo socota uu dibad baxa dhici doono oo aysan jirin cid ka hor istaagi karta

Sidoo Fiqi ayaa sheegay in banaan-baxaas ay ogolaansho uga heystaan wasaaradda amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo wax lala yeebo ku tilmaamay in Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ay ku goodiyeen inay ka hortegayaan dibad aysan la socon hay’adaha Amniga iyo maamulk gobolka banaadir.

Hadal ka soo baxay wasiirkii hore Amniga galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli Maamulka gobolka banaadir uu ka digay dibad bax aysan ka war qabin hay’adaha Amniga iyo mas’uuliyiinta gobolka banaadir in lagu qabto magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*