
Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor), waxaana dhowaan lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Sugow Gaarane oo uu horey u dilay, kaas oo ahaa wade Mooto Bajaajle ahaa, sida ay shaacisay maxkamaddu.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inuu dilku ka dhex dhacay gudaha saldhigga ciidamada booliiska degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Maxkamadeynta askarigan ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyntii maxkamaddu ay ku ridday dil toogasho ah, kaas oo maanta lagu fuliyey.
Goobta lagu toogtay marxuumka oo ah barxadda toogashada ee Luuq-Ganaane ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumka, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Gedo iyo kan Degmada Luuq.
Sidoo kale xukunka ay fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey waalidiinta iyo ehellada wadihii mooto Bajaajlaha ee uu horay u dilay askariga la toogtay
Leave a Reply