Midowga Musharixiinta oo soo dhaweeyay Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Golaha watashiga Qaran

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedkii shalay ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka socday mudo todobaad ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ku amaanay tixgelinta la siiyey talooyinkii ay la wadaageen ee ku aadanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.

 “Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aaddanaa mas’uuliyadda xukuumadda ee amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu kor-joogteeyo doorashada oo si booxda uu isaga xil-saaro daahfurnaanta doorashada.

Ugu dambeyntii “Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysalwasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*