Ra’iisal wasaare Rooble oo kulan Muqdisho kula yeeshay Xubno ka Tirsan golaha Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalaykulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo  Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Rooble.

Qoraal oo xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu ka soo saaray kulankaas waxaa lagu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii gaareen  Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Madaxweynihii hore Shariif  Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wada hadleen hirgelinta  heshiiskii uu maanta gaaray Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay war-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadatashiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.

Midowga musharaxiinta ayaa shalay la kulmay madaxda golaha wadatashiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*