Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaal shalay ka dhacay Gobolka Galgaduud

Xaalada Degaanka Cada Kibir oo hoostaga degmada cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa degan ka dib markii shalay uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada dawlada iyo Alshabaab

Wararka ka imaanaya degaankaasi ayaa sheegaya in dagaal culus oo shalay ka dhacay ciidanka xoogga dalka looga dilay saraakiil iyo askar,

Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga dalka G/Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil uu ku jiro Taliyihii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdulqaadir Gasaawe iyo askar kale ayaa caawa dhaawacyadooda la gaarsiiyey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa dhacay shalay  , kadib markii ay ciidamada iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo Al-Shabaab ay ku suganaayeen.

Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo ee gobolka galgaduud waxaana dhawaan la wareegay Alshabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*