Beesha Caalamka oo soo dhaweeysay Shirkii Golaha watashiga qaran ee ka dhacay Muqdisho

Warsaaxafadeed kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaawaxaa lagu sheegay inay soo dhaweyneyso shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee socday 3-9 Janaayo lagu gaaray is-afgarad la isku raacay ee ku saabsan wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed ayaa lagu yri” Warsaxaafadeedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*