Dagaal ka dhacay gobolka shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya maanta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Dhexe .

Goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu dhacay dagaal Toos ah dhex-maray Alshabaab iyo ciidamada dowladda .

Al-Shabaab guullo ka sheegatay dagaalka , waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa sidoo sheegtay inĀ  cagta mariyeen saldhiggii ciidamada Hirshabeele iyo kan dawlada ay ku lahaayeen halkaas , ayna ka qaateen saanad milatari.

2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaku geeriyooday dagaalka , halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka ka dhacaygegaanka Qalimoow ee gobolka shabeelaha Dhexe..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*