Muwaadhin Soomaali ah oo Xil sare looga Magacaabay dalka Maraykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Xamse Warfaa oo ah wiil asal ahaan Soomaali kasoo jeedo u magacaabay inuu noqdo la-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Xamse Warfaa ayaa hadda ahaa guddoomiye ku-xigeenka waaxda shaqaaleynta iyo horumarinta dhaqaalaha (DEED) ee gobolka Minnesota.

Hadda kadib kaalin weyn wuxuu ka cayaari doona hor-marinta shaqada diblomaasiyadeed ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

Xamse waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu darajada sareeyey ee Madaxweyne Mareykan ah uu xil u magacaabo, Waxaana sida qorshuhu yahay uu shaqada la wareegayaa 17-ka bishaan Janaayo.

Xamse oo ku faraxsan xilkaan loo magacaabay ayaa qoraal uu lagu baahiyay Bogga Twiterka ee Waaxda DEED ku yiri  ““Anigoo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muujiyey shaqadeyda dadweyne,”.

Haatan Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha. xafiiskan  uu xamse ku biirayo ayaa Madaxweynaha Mareykanka ka caawinaya  go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta.

Waxaa waayihii dambe soo badanayay Somalida xilalka sare ka qabanaya dalalka hormaray ee dunida kuPwaas oo asalkooda qaxooti ahaan ku galay dalalkaasi, Waxaana taasi lagu tilmaamay in ay tahay in somalida ay kasoo muuqdaan xilal sare oo dalalka caalamka ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*