
Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasho ku fulasay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo qof shacab ah ku dilay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gado
Cabduqaadir faarax dhaqane oo loo yaqiinay (Nuune)ayaa dil toogashada lagu fuliyay oo ahayd qisaasta marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa makaanik baabuurta sameeyo, kaas oo uu ku dilay geerish ay ka wada shaqeeynayen Aabihiis oo ku yaal degmada Baladxaawo.
Xeer ilaaliye Ku-xigeenka Maxakamadda ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Dable Cabdiqaadir Faarax dhaqane (Nuune) lagu helay in dilka uu ka dambeeyay, islamarkana saakay xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay.
Fagaaraha toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad, Ehellada Askariga la toogtay iyo Ehelada qofkii uu horay u dilay iyo dadweyne kale
Leave a Reply