Faah Faahino ka soo baxaya Qarax Isniidaamin ah oo maanta ka dhacay Muqdisho

Qaraxaan Xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ay wateen ilaalo la socday saraakiil ka tirsan Qaramada midoobay kana shaqeysa howlaha amniga ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya .

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada 21-ka Oktober oo ah waddo aad u mashquul badan,waxaana ku yaalla xarumo waxbarasho ‘ ganacsi iyo kuwa caafimaad.

Inta 10 Ruux oo 5 ka mid ah ay haayeen Askar halka kuwo kalena ay haayeen dad shacab ah oo marayay wadada qaarna gaadiid ay saarnaayeen.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii maanta ka dhacay wadada 21ka October ee degmada Waaberi waxana ay sheegeen in ay la eegteen Kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen saraakiil cadaan waxana ay sheegeen in ay bur buriyeen Gaadiidka Qaar oo ay la socdeen saraakiishaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*