Isimada Puntland oo go’aano ka soo saaray xaalada magaalada Boosaaso

Qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa Xalay go’aanno ka soo saaray xallinta Xiisada u dhexeysa Maamulka Puntland iyo Hay’adda PSF.

Qoraal ka kooban lix Qodob, oo ka soo baxay Isimada ayaa lagu go’aamiyay in Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hay’adda PSF, lana heshiisiiyo isaga iyo dowladda.

Isimada oo uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda Puntland ka laabato Heshiiskii Dekedda Boosaaso ee DP World.

Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*