Madaxweynaha Jubland oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland e Axmed Maxamed Islaam, oo maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubland ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa muqdisho kaga soo qeyb galay shirka madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo laga soo saaray go’aanno cusub oo lagu sii dhaqaajinayo doorashooyinka golaha shacabka ee qeybo kamid ah dalka ka bilowday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*