Madaxweynaha Puntland oo Xubno ka Tirsan Beesha caalamka kula kulmay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah Safiirada ku sugan Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Per Lindgärde iyo sidoo kale safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz iyo kan Qatar Hassan bin Hamza Hashem.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu la kulmay safiiradaas balse laguma xusin waxay ka wada-hadleen.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*