
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugu soo celisay tahriibayaal ku xirnaa xabsiyada dalka liibiya
Tahriibayaashaan dalka lagu soo celiyaya ayaa gaaraya 97 oo qof ayaa ahaa ku dhibaateysan Xabsiyada dalka Liibiya Qaarkood .
Wasiirka Arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho .
Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi saciid Muse cali ayaa ugu baaqay Dhalinyarada tahriibayaasha ah ee saakay laga keenay dalka islamarkaana ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho in ay ka qaby qaataan Hormarinta Dalkooda isaga oo sidoo kale sheegay in dawlada Federaalka shaqo Abuur ay u sameyn doonto Dhalinyaradaasi.
Ku dhawaad Boqol Dhalinyaro tahrubaal Soomaali ah ayaa saakay diyaarad waxaa ka soo dejisay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ku dhibaateysnaa Xabsiyada dalka Liibiya .
Leave a Reply