Deg Deg: Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Faah faahino ayaa ka soo baxaya Qarax Xooggan oo ka dhacay wada Maka Almukarmah ee magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa Fuliyay Ruux naftii hure ah  oo isku soo rakabay walxaha qarxa’ waxaana wararka ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay wada u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo shaqaalaha ee magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya cabditaax aadan Xasan ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Face buugga waxaa uu ku sheegay in ay baarayaan qaraxa balse wararka ay helyso warbaahinta ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhaawac uu soo gaaray Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu hase ahaatee Dhaawaca macalimuu ayaa la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*