Puntland oo xirtay Xarumo waxbarasho oo ku yaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo

Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa Amar lagu xirayo ka soo saartay Qaar ka mid iskuulada ku yaala    Magaalada Gaalcyo xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal ka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu go’aamiyay in la xiro Somali International Secondary School iyo Cabdullaahi Yuusuf Secondary School oo ku yaalla Gaalkacyo.

Wasaaradda ayaa ku eedaysay labada iskuul ay ku kaceen nidaam baal-marsan Hannaanka Waxbarashada Puntland oo lagu dhuminayo Ubadka, waxaana Wasaaraddu amartay in Caddaalada la hor-keeno Madaxda labadaas iskuul.

Iskuulka Afrika oo ku yaalla Gaalkacyo ayaa sidoo kale Wasaaradda Waxbarashadu kala laabatay Aqooonsigii dugsi sare, islamarkaana waxa loo celiyay dugsi hoose/dhexe ahaan, kadib markii lagu eedeeyay in uu baal-maray Hannaanka Waxbarashada Puntland.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa digniin kama dambays ah siisay iskuulka Cali Mataan, waxaana la faray in laga saaro Ardayda sharci-darrada ku dhiganaysa fasalka Form One, loona reebo Ardayda dhab ahaan soo dhammaysay fasalka Sideedaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*