Wasiirka wasaarada difaaca Soomaaliya oo Cambaareeyay duqaymo diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Gedo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay   dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobolka Gedo.

Qoraalka wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Tilmaamatay sida ay uga xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*