
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay magaalada muqdisho oo uu la beegsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda.
Qaraxii shalay uu ku dhaawacmay macalimuu ayaa waxaa aad uga naxay siyaasiyiin ‘ qaybaha wariyuayaal iyo qaybaha kale ee bulshada iyaga oo u rajeeyay caafimaad deg deg ah .
Leave a Reply