Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka oo gaaray magaalada Baladweyne

Wafdi uu hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa goordhow Soo gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

 Taliye Bixi waxaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyey, Taliyaha qeeybta 27aad ee Ciidamada Xooda Dalka Soomaliya jeneraal Axmed Maxamed Tareedisho, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan, Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Generaal Abuukar Xaaji Warsame {Xuud}

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la qaato Saraakiisha qeeybta 27aad ee Ciidamada Dowlada ee fadhigoodu yahay Magaalada Baladweyne, kuwaas oo kula hadle doono xaaladaha Amaanka ee Gobolka Hiiraan iyo sida loo qaadi lahaa Howlgal ka dhan ah Al.shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*