
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay cambaareysay weerar duqayn ah dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.
“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay Abudubay, anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda, falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri Cabdisiciid Muuse oo qoraalkooban soo dhigay bartiisa Twitterka .
Weerar shalay ka dhacay dalka Dalka Imaaraadka Carabta oo ay fulisay diyaarad Drone ah ayaa waxaa lagu Eedeeyay kooxda Xuutiyiinta Yemen eek u sugan gudaha dalka Yeman.
Leave a Reply