Madaxweynaha Somaaliland oo u Ambabaxay dalka Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadib casuumad Rasmi ah uu  ka helay Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Ethiopia ayaa la sheegay inay la xiriirto sidii loo xoojin  xiriirka Somaliland ay  la leedahay dalka Itoobiya .

Magaalada Addis Abbaba waxaa hore ugu sugnaa Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay  wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo Xubno kale. . .

Dowlada Ethiopia ayaa qeyb ka ah maamulka dekeda Berbera hase yeeshee dowlada Ethiopia ayaa tan iyo markii ay dagaalka ku qaaday gobolka Tigrey waxaa istaagay xiriirkii iskaashi ee ay la lahayd Maamulka Somaliland.

Safarka Itoobiya uu maanta ku aaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku aadaya xilli arimo badan oo ku gaadaman xaalada Soomaliland ay soo baxayaan waxana ka mid ah baarlamaanka Uk oo maanta markii ugu horreysay ka sharaya madax Madaxbanaanadida Somaliland in kastoo la sheegay in Dawlada Ingariiska kaliya aysan ku fileyn in ay meel mariso Aqoosiga SAomaliland balse waxaa jira cababado badan oo Somaliland ka hor istaagaya in Aqoonsi ay ka hesho caalamka ay ku xiran tahay ogolaansho laga helo dawlada Federaalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ay taasi oo noqon karta in Somaliland aysan heli Karin madax banaanida ay ka raadineyso dawladaha Caalamka

Hase ‘ahaatee dawlada Itoobiya ayaa Iyana la sheegaya caasuumaada ay u fidisay Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi cabdi ay uga danleedahay sidii  ay u gaari lahayd hadafkeeda ku aadan in ay hesho  Dekad isicmaasho maadaama aysan itoobiya bad lahayn laakiin waxaa ay aad u quudareneysaa in Dekadda Bar bare ay gacanteeda soo gasho si ay u isticmaasho oo badeecadaha ganacsi ee itoobiya halkaas looga soo dejiyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*