Maraykanka oo ka digay dib u dhac ku yimaada doorashada Golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal la yeeshay Danjiraha cusub ee Dawlada  Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ahna kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhawaan ayay ayahyd markii Maraykanka uu  ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabooyin ka dhan ah Siyasiyiinta Soomaalida iyo madaxda dawlada Federaalkka hadii mar kale dib loo dhigao doorashada kuraasta Golaha shacabka baarlamanka soomaaliya waxa  ugu yeeray qaswadayaasha Soomaaliya haddii doorashada wakhtigeeda lagu qaban waayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo ergayga Geeska Afrika, David Satterfield, waxa ay ka wada hadleen arrimaha labada dal iyo kuwa gobolka, waxaana ay labada dhinacay ka wada hadleen xaalada Siyaasadeed ee xiliigaan ka taagan Soomaaliya .

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa uu uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ah ee ay ka geysanayaan nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay sii socoshada,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dawlada Maraykanka ayaa si gaar isha ugu heysay Xaalada Siyaasdeed ee Soomaaliya gaar’ahaan Arimaha doorashooyinka Soomaaliya kana digtay in mar kale dib loo dhogo doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*