Jeneraal Xuud oo Heshiis la galay dawlada Federaalka Soomaaliya

Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan Jeneraal Abuukar Warsame Xuud ayaa soo gaaray barqanimadii maanta Magaalada Muqdisho.

General Maxamed Tahliil Biixi oo ah Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliya ayaa isaga iyo Jeneraal Xuud waxay ka soo degeen Muqdisho kadibna salaaan ayuu ka qaatay saraakiisha ciidanka.

Soo dhaweyn kadib ayuu General Xuud saxaafada kula hadlay qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho isagoo shaaca ka dhigay in uu u  tanaasulay Danta dalka iyo dadka.

Jeneraku celiyey in dadka lagu hogaamiyo hormar iyo wanaag lagana difaaco cadow kusoo duula.

Jeneraal Xuud ayaa carabka ku adkeeyey in Hirshabelle aysan weli heshiis dhex marin sidaa awgeedna uu hadda wada hadal la galay kaliya Dawlada Federaalka Soomaaliya ‘isaga oo sheegay in uu u tanaasulay Danta Dalka iyo shacabka

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Ciidanka DShulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mahad celiyay Dadkii kala soo shaqeeyay

Dadka falanqeeya Siyaasada ayaa sheegaya in Wada hadalka  uu Jeneraal Xuud la galay dawlada Federaalka ay keeni karto in xal laga gaaro xiisadii siyaaseed eek a taagneyd Magaalada Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*