
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Isbuuca soo socda uu socdaal ku tago Magaalada Boosaaso, si loo xalliyo Xiisada ka dhalatay Xil ka qaadista Agaasimihii PSFta Puntland .
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa doonaya in uu Boosaaso kula kulmo qaar ka mid ah Isimada dhaqanka Gobolka Bari, oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.
Isimada Dhaqanka Puntland ayaa horay u soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta khilaafkii ka dhashay Xil ka qaadista Agaasimihii Hay’adda PSFta Puntland.
Leave a Reply