Wasiirka Duulista XFS oo sheegay in Kursiga Hop#166 loo maareeyay qaab baalmarsan Habraayacyada doorashada

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka  Xukuuamdda Federaalka Soomaaliya Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in kursiga HOP166 ee Golaha Shacabka loo maamulay si baalmarsan Habraacyadii Doorashada ee lagu heshiiyay.

Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay Hop166u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin ayuu yiri Wasiirka .”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Nabaddoonada Beesha Kursigaas uu  ka dhexeeyo aan wax door ah laga siin xulista Ergada dooranaya Kursiga HOP166.

Xubnaha Xulaya Ergada iyo ergada ay soo xuleenba maahan kuwo haysta matelaad bulsho ayuu qoraalka uu face book soo dhigay Wasiir Duraan uu ku yiri, .

waxaana arrintaas ku faahfaahinayaa Shir Jaraa’id oo aan siin doono warbaahinta Insha allah” ayuu sii raaciyay hadalkiisa wasiir Duraan.

Kursiga Hop#166 ayaa degaan doorashadiidu ay tahay Puntland waxaana durba soo baxaya walaac ku aadan doorashada Kutaasta Golaha shacabka .

Hogaamiyaha Golaha Kacdoonka Gobolka Hiiraan General Abuukar Warsame Xuud ayaa diyaarad kasoo dejisey barqanimadii maanta Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*