
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wada hadal Khadka telefoonka ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.
labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.
Ugu dambeyntiina Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.
Dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta ayaa xiriikooda diblumaasi iyo mid iskaashiga eek a wada dhexeyay xiliigaan u muuqda kuwo socelinaya iyadoo dhwaan dawlada Federaalka ay cambaareysay Weerkii ka dhacay Imaaradka carabta ee dhimashada iyo dhaawaca sababay.
Leave a Reply