Gudiga Xalinta khilaafaadka doorashoyinka oo doortay Gudoomiye Cusub

Gudiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay Maxamed Cawil Warsame oo noqninaya Gudoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Baarlamanka Soomaaliya, kadib markii uu u tanasulay Mustaf Macalin Cali oo ahaa musharrixii la tartamayay.

Maxamed Cawil Warsame oo kamid ahaa todobadii xubnood ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble beddelay ayay gacan taag ugu codeeyeen xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashootyinka inuu noqdo guddoomiyaha guddigaXalinta khilaafaadka .

21- ka Ruux oo ka tirsan  guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban, xubno ka socda guddiga doorashada heer Federaal, FEIT, kuwa heer Dawlad goboleed ee SEIT ayaa goob joog ka ahaa doorashada oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyoone oo ah halka ay doorashada lagu qabtay .

Maxamed Cawil Warsame, ayaa sheegay inuu la iman doono hufnaan iyo caddaalad, isla markaana uu wadashaqayn wanaagsan la yeelan doono guddiyada doorashada ee Baarlamanka Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*