
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Faderaal FEIT, Mudane Muuse Geelle Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kal oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka oo shalay gaaray Kismaayo.
Madaxweynaha Jubland iyo Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka golaha shacabka loona fududeyn si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo ku salaysan hufnaan iyo daah-furnaan.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doorashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay in la dadajiyo.
Leave a Reply